Xulka Da’yarta Soomaaliya iyo Kooxda Horyaalka Qadar oo is garab dhacay

Thursday September 02, 2010 - 14:57:24
0 Comments
2824
Shaafici Muxyidiin
Xulka kubada cagta dalka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17-ka sano ayaa xalay cayaartii labaad oo saaxiibtinimo la yeeshay kooxda heysata horyaalka dalka Qadar ee la yiraahdo Al-Gharafa FC, waxaana cayaartaasi ay ku dhamaatay bar bar dhac 1-1 ah.

Kooxda Qaranka ee U-17-ku waxaa ay habeenkii Isniinta ee lasoo dhaafay cayaartii 1-aad ee saaxiibtinimo la yeelatay kooxda Al-Shaxaniya ee isla dalka Qadar oo ay 2-0 ugu awood sheegatay.

 

Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cabdi Qani Saciid Carab oo cayaartaas daawanayay ayaa wariye yaasha u sheegay in cayaartu ay ahayd mid aad u adaga labada kooxoodna ay soo ban dhigeen cayaar si weyn u xeeladeysan.

 

Dhamaadka qeybtii hore ee cayaata ayaa cayaartoyda naadiga Al-Gharafa FC waxaa ay heleen gool waxaana qeybtii 1-aad lagu kala nastay 1-0 oo kooxda Qadar ay hogaanka ku heysay laakin markii qeybta dambe la iskusoo laabtay ayaa waxaa gool aad u xurux badan xulka Soomaaliya u dhaliyay cayaaryahanka lagu magacaabo Cali Maxamed Cali (Yariisow) iyadoo cayaartuna 90-kii daqiiqadood ee loogu tala galay ay kusoo dhamaatay bar bar dhac 1-1 ah.

 

Daawashada cayaarta ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur (Mukambe) Xoghayaha guud Mudane Cabdi Qani Saciid Carab, Guddoomiyaha naadiga Al-Gharafa FC, Maamulaha kooxda Soomaaliya Yaxye Maxamed Abuukar (Aayow) iyo hogaamiye yaasha jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Qadar.

 

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur ayaa markii cayaaru dhamaatay kadib la hadlay xulka Soomaaliya waxaana uu ku amaanay bandhiga aadka u quruxda badan oo ay sameeyeen.

 

“Runtii qaab cayaareedkiina aad ayaan ula dhacay waxaana ku kalsoonahay in aad guulo keeni doontaan ee dadaalkiina sii laba jibaara”ayuu guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid u sheegay cayaartoyda qaranka oo markaa kadib si toos ah usoo aaday garoonka diyaaradaha magaalada Dooxa,waxaana ay maanta transit ku yihiin garoonka diyaaradaha Dubai iyagoo kusii jeeda magaalada Nairobi oo ay kagasii gudbayaan magaalada Qaahira ee dalka Masr.

 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Telephone office

+2521 600 601   Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment