Madaxa wax barasahda SFF oo Seminaar Qaahira kaga qeyb galay

Monday August 09, 2010 - 15:59:22
0 Comments
2595
Shaafici Muxyidiin
Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa waxaa lagusoo gabagabeeyay Seminaar muddo 3 cisho ah u soconayay masuuliyiinta xaga wax barshada ugu qaabilsan Xiriirada kubada cagta ee dalalka Afrika, waxaana Soomaaliya ku metalayay madaxa wax barashada Xiriirka Cali Maxamed Axmed (Cali Siciid).

Seminaarkan oo shalay gellinkii dambe lasoo gabagabeeyay ayaa waxaa uu ku saabsanaa sidii loo horumarin lahaa aqoonta kubada cagta ee Qaarada Afrika oo ah qaarad ay la dageen dagaalo sokeeye iyo horumar la’aan.

 

Si gaar ah waxaa diiradda loo saaray sidii loo hour marin lahaa kubada cagat dalka Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada garsoorka, macalimiinta, maamulka iyo caafimaadka isboortiga, sida uu sheegay masuulka Soomaaliya uga qeyb galay.

 

“Seminaarku intii uu socday waxaa la isku dhaafsaday doodo iyo aaraa ku aadan sida ugu fudud ee sare loogu qaadi karo horumarka kubada cagta Soomaaliya”ayuu yiri Cali Siciid oo sheegay in la rajeynayo dhaqaaq weyn in la sameeyo sanadaha soo socda.

 

Ugu dambayntii madaxa Waxbarashada Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta waxaa uu xusay horumrka Soomaaliya ay ku talaabsatay 2-dii sano ee lasoo dhaafay isagoo soo hadal qaadayin Qaramada dhalinyarada ay gaareen guulo la taaban karo iyadoo ay ugu danbaysay guushii xulka dhallinyarada U-17 oo ciyaarihii ay ciyaareen guulo ka soo hooyay haatana la balansan xulka dalka Masar.

 

Hadalkaas ayaa waxaa aad ugu riyaaqay in badan oo ka mida masuuliyiinta seminaarka kasoo qeyb galay iyo madaxda CAF ee khudbadaha iyo afkaaraha la is dhaafsanayo dhageysaneysay.

 

Madaxa Dhaqaalaha CAF Mr. Sekatu Patel oo u dhashay Sychles oo khudbad meesha ka jeediyay ayaa amaanay guddoomiyaha ,xoghayaha guud iyo dhamaan xubnaha guddiga fulinta Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo uu sheegay in wax weyn ay ka qabteen Soomaaliya iyadoo waliba xaalad adag ay ku shaqeeyaan.

 

Waxaa uu hambalyo u diray Xiriirka oo uu ugu hambalyeeyay doorashadii 19-kii bishii hore Muqdisho lagu qabtay ee sida quruxda badan kusoo dhamaatay taas oo uu sheegay in ururka CAF uu mar laabaad ka hambalyeynayo.

 

“Waxaan ku amaanayaa Soomaliya sida ay ugu dhabar adeygtay ka qeyb galka tartamada iyo shirarka oo aanay marnaba seegin halka aanu ognahay in dalal badan oo amaan iyo dowlado ka jiraan ayayn cayaaraha qaar kasoo qeyb gelin laakin Soomaaliya marna ma maqnaato”ayuu yiri Mr. Sekatu Patel.

 

 

Somali Football Media Department

 

+25250 930226   Office

+2521 600601   Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment