Tartankii Dugsiyada oo lasoo gaba-gabeeyay

Tuesday August 03, 2010 - 22:00:02
0 Comments
2803
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada caga ayaa si guul ah kusoo gabagabeeyay tartan kubada cagta ah oo mudo 10-maalmood ah soconayay loona qabtay caruruta dhigata dugsiyada hoose iyo dhexe, kaas oo ay koobka qaadeen caruurta dugsiga jaabir Bin Xayaan.

Cayaartii kama dambeystya ahayd ee dhacday Shalay ayaa waxaa isku haleelay dugsiyada Jaabir iyo Macmuur waxaana guushu 1-0 ku raacday caruurta dugsiga Jaabir ,waxaana cayaartaas oo aad u adkeyd daawashadeeda kazoo qeyb galay guddoonmiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdulaahi Abow xuseen, Guddoomiyaha Midowga ardayda Soomaaliyeed Maxamed cabdulaahi Maxamuud iyo masuuliyiin kale.


 

Tartankan ayaa waxaa abaabulkiiisa iska kaashaday xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo Midowga Aerdayda Soomaaliyeed oo hada ku lug yeeshay dhaq dhaqaaqyada kubada cagta ee dugsiyada.

 

Sida uu sheegay Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa maalinta Axada ah ee inasoo aadan la qaban doonaa xaflad weyn oo lagusoo gabagabeynayo tartankan, taas oo inta ay socoto dugsiga jaabir lagu guddoonsiinayo koobka, iyadoo sidoo kalana abaalmarino iyo shahaadooyiun la gudddoonsiin doono shaqsiyaad ay ka mid yihiin: cayaartoygii ugu fiicnaa tartanka, kii qaaday gool dhalinta, maamulayaasha iskuullada iyo ragii xaga amaanka adkeynayay intii tartanku socday.

 

Isla dugsiga Jaabir ayaa sanadkii hore ku guuleystay koobka tartankii loo qabtay dugsiyada sare, waana sanadkii labaad oo xiriir ah oo dugsiga Jaabir uu koobka la tagayo.

 

Xoghayaha Guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane caddi Qani Saciid Carab ayaa sheegay in xiriirku uu mudnaanta koobaad siinayo horumarinat kubada cagta ee dugsiyada, iyadoo ay taasi ka mid tahay muhiimadaha ugu waaweyn ee qorshaha sanadaha soo socda uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu doonayo in uu ku horumariyo kubada cagta dugsigada.

 

Xoghayaha guud waxaa uu sheegay in xiriirku hada uu diyaarinayo qorshe gaar ah oo loogu tala galay dugsiyada oo ay ka mid tahay in macalimiin iyo garsooreyaal cusub dugsiyada loo tababaro taas oo qeyb ka ah siyaasada xiriirka ee barnaamijka hoos loogasoo dhisayo kubada cagta dugsiyada.

 

“Waxaan qaban doonaa  tartamada iskuulada sanadkiiba laba jeer inagoo mar kasta ku beegeyna ka hor sanad dugsiyeedka koobaad iyo kan labaad, tan sababteeduna waxaa ay tahay in caruurta looga ilaaliyo in ay  hub qaadaan,daroogo isticmaalaan ama ku dhacaan waxyaabo kale oo xun xun mudada dugsiyadu xiran yihiin”ayuu xoghayaha guud ku yiri war saxaafadeed uu maanta soo saaray.

 

Inakstoo Soomaaliya ay waajahayso xaalad amaan oo aad u daran oo qaraxyo iyo dagaalo joogto ahi dalka ka dhacayaan, hadana xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu sii laba jibaarayaa dadaalka ku wajahan in la horumariyo kubada cagta Soomaaliya si Soomaaliya ay awood ugu yeelato dalalka kale ee caalamka in ay wax la qeybsato.

 

Si la mida dalalka kale ee caalamka cayaarta kubada cagtu waxaa ay tahay isboortiga loogu jecelyahay dalka Soomaaliya waxaana shacabka Soomaaliyeed lasoo ogaaday in ku dhawaad 90% ay aad ujecelyihiin daawashada cayaaraha gudaha iyo kuwa caalamiga ah intaba.

 

NB:Cidii Rabta sawirro dheeri ah waxaa ay ka heli kartaa qeybta english-ka ee www.somsoccer.com/english

 

Somali Football Media Department

+2525 930226 Telephone Office

+2521 600601 fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment