Cayaarayaha Eurosom oo barri furmaya

Wednesday July 21, 2010 - 10:19:28
0 Comments
2769
Shaafici Muxyidiin
Waxaa barri uu bisha July tahay 22 magaalada Helsinki ee dalka Finland si rasmi ah uga furmaya cayaaraha xagaaga ee (Eurosom summer games) oo sandkiiba mar loo qabto kooxo soomaaliyeed oo ka kala dhisan dalal kala duwan oo Yurub ku yaala.

Cayarahan oo socon doona 22 July illaa 30 July 2010. ayaa waxaa sanadkan ka qeyb gelaya ilaa iyo 8 kooxood oo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Yurub ay leeyihiin, waxaana dhacdadan weyn sanad kasta usoo daawasho taga kumanaan soomaali ah oo isaga kala yimid daafaha caalamka, kuwa Yuruba ha ugu bad-naadeene.

 

Haddaba, Isku aadkii ay sameeyeen bahda isboortiga ee  Eurosom waxay noqotay labo Group oo min afar kooxood ah waxayna kala yahiin sidan:

 

 

GROUP ( A )                           GROUP ( B )

1. ALHIJRA- UK                            1. KANAVAry -  FINLAND

2. W-QARAABO- DENMK                  2. GOTENBURG- SWEDEN

3. SUKAO- NORWAY                         3. BIRMNGH. United- UK

4. BRISTOL SYCS- UK                      4. SWESOM - SWEDEN

 

Guddonka sare ee Eurosom ayaa furitaanka cayaarahan ku marti qaaday gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagat Mudane Siciid maxamuud Nuur Mugaabe laakin suuragal uma noqon guddoomiyaha in uu tago maadaama todobaadkan si aad ah loogu mashquulsanaa doorashada xiriirka kubada cagta oo dhacday isniintii.

 

Laakin Guddoomiye Siciid ayaa u rajeeyay cayaarahan in ay guul kusoo dhamaadaan waxaana uu amaan balaaran usoo jeediyay bahweynta Eurosom oo uu sheegay in ay wax badan juhdi ku bixiyeen sidii ay dhalinta Soomaaliyeed ee Yurub ku nool ugu barbaarin lahaayeen cayaaraha gaar ahaana kubada cagta iyo dhaqankooda hooyo.

  

Somali Football Media Department

+2525 930226   Telephone  office

+2521 600601  Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment