Xiriirka kubada cagta oo soo dhaweeyay dib u magacaabista wasiirada Isboortiga

Tuesday July 06, 2010 - 22:13:43
0 Comments
2384
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si weyn usoo dhaweeyay dib u magacaabista wasiirada Isboortiga soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo dhawaan dib xilkaas loogu magacaabay.


Guddoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe oo saxaafada kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xiriirkiisu uu aad ugu faraxsan yahay dib umagacaabista wasiirada.

“Aniga oo ku hadlaya magaca xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta waxaan soo dhaweynayaa talaabada uu ra’isulwasaraha soomaaliya dib ugu magacaabay Khadiija Maxamed Diiriye oo ah wasiirad fir fircoon oo shaqo badan”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid.

“Wasiirada waxaan kaga mahad celineynaa shaqooyinkii wanaagsanaa oo ay horay u qabatay, waxaana ku rajo weynahay in ay kusii socon doonto siyaasada wanaagsan oo ay wasaarada isboortiga ku hogaamiso”ayuu guddoomiyaha xiriirku sheegay.

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa hogaamineysay wasaarada isboortiga tan iyo markii bishii December ee sanadkii hore qarax lagu dilay wasiirkii hore Suleybaan Colaad Rooble oo ka  mid ahaa 25 ruu xoo qaraxaas ku geeriyootay ayna ku jireen, sadex wasiir oo kale  wariye yaal, macalimiin jaamacadeed, Dhaqaatiir iyo arday qalin jebineysay.

Somali Football Media Department

+2525 930226   Telephone

+2521 600601     Fax
Email:
Somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment