Gudoomiyaha Xiriirka Mudane Siciid oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada 15-ka May

Tuesday May 18, 2010 - 03:45:24
0 Comments
2502
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo todobaadkan Soomaaliya laga xusay munaasabada 15-ka May oo ah sanad guuradii 67-aad ee kazoo wareegatay markii dhidibada loo tagay ururkii SYL, oo ahaa urur dhalinyaro oo dhaliyay gobanimada maanta aanu heysano, ayaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe waxaa uu shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaanba ugu hambalyeeyay munaasabada qiimaha badan.


“Waxaan salaan kal iyo laab ah u dirayaa umada soomaaliyeed oo dhan,waxaana ugu hambalyeynayaa munaasabada 15-ka May oo ah maalintii ay koox dhalinyaro soomaaliyeed ah u istaageen dhismaha ururka SYL oo kadibna ku guuleystay in uu Soomaaliya ka xoreeyo gumeystihii reer Yurub”ayuu war saxaafadeed uu soo saaray oo maalintan ku aadanaa ku yiri guddoomiye Siciid Mugaabe.

 

Guddoomiyaha SFF Mr Siciid waxaa uu shacabka soomaaliyeed u rajeeyay in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan: horumar, barwaaqo, dowladnimo buuxda, nabad iyo degenaasho.

 

“Waxaan jeclahay in aaan ku booriyo shacbaka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadaba ku sugan in ay afkaarohooda iyo wax qabadkooda mideeyaan iskana diidaan faragelinta lagu hayo oo wiiqeysa madax banaanidooda,dowladnimadooda iyo sharaftooda”ayuu mar kale yiri guddoomiye Siciid.

 

Waxaa ay ahayd 15-KiiMay 1943-kii markii 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah ay dhiseen ururkii SYL oo hormuudka ka ahaa gobanimada soomaaliya oo dalku uu gaaray sanadkii 1960-kii, oo ahayd 13 sandood kadib dhismihii ururkaasi.

 

13-kaa dhalinyaro waxaa wali loo aqoonsan yahay aabayaashii gobanimada soomaaliya, waxaana maalinta 15-ka May sanad kasta laga xusaa dalka Soomaaliya iyadoo loo aqoonsaday maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu qabanayay tartamo loogu tala galay in lagu weyneeyo maalintan qiimaha badan u leh shacabka Soomaaliyeed.

Somali Football Media Department

+2521 600000 Telephone

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment