Xulka qaranka oo soo dhaweyn heer qaran ah loo diyaarinayo.

Monday April 26, 2010 - 14:48:26
0 Comments
2477
Shaafici Muxyidiin
Wasiiro ka tirsan dowlada Soomaaliya, mudanayaal baarlamaan iyo dad weyne aad u farabadan ayaa ka qeyb qaadan doona soo dhaweynta xulka qaranka kubada cagta dad’oodu ka yartahay 17-ka sano oo lagu wado maalinta Salaasada ah in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho iyagoo ka imaanaya dalka Kenya oo ay dhigooda dalkaasi ka reebeen koobka is reeb reebka Afrika ee dhalinyarada.


Sii hayha wasaarada dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye oo shalay saxaafada kula hadleysay maagalada Muqdisho ayaa amaan balaaran usoo jeedisay xulka qaranka Soomaaliya oo ay sheegtay in ay sare u qaadeen calanka iyo magaca Soomaaliyeed,kadib markii ay usoo bexeen wareega 2-aad ee  tartanka dhalinyarada qaarada Afrika oo sanadka dambe ka dhici doona dalka Rwanda.

 

“Waxaan hada kasoo tagay madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha Soomaaliya waxaana ay iisoo idmadeen in aniga oo ku hadlaya codkooda aan hambalyo u diro xulka qaranka, waxaana aad isugula weynahay in dhambaalkaas xooga badan aan soo qaado” ayay tiri wasiiradu.

 

Waxaa la dhisay guddi gaar ah oo qaabilsan soo dhaweynta xulka qaranka Soomaaliya , waxaana kooxda soo dhaweyn heer qaran ah loogu sameyn doonaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadn cadde ee magaalada Muqdisho. Barri oo salaaso ah.

 

“Xulka U 17-ku guul weyn ayay usoo hooyeen Soomaaliya waxaana shaqsiyan ay tani ii tahay farxad aad u weyn maadaama ay guushani  tahay tii ugu weyneyd ee xulku gaaro tan iyo intii wasaaradan aan qabtay dhowr bilood ka hor markii qarax lagu dilay wasiirkii hore”ayay hadalkeeda sii daba dhigtay wasiiradu.

 

Wasiirada ayaa intaa raacisay in dowlada Sooamaliya ay sidoo kale amaan iyo bogaadin u direyso xukuumada, shacabka iyo xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti ee aanu walaalaha nahay oo ogolaaday in xulka Soomaaliya ay ku tababar qaataan dalkooda xiriirka kubada cagta Soomaaliyeedna uu cayaaraha caalamiga ah Jabuuti ku marti geliyo maadaama uusan dalka soomaaliya ku martei gelin karin sababo amaan awgood.

 

“Kooxdeena qaranku si wanaagsan ayay u cayaartay labadii kulan ee ay la yeesheen Kenya, waxaana ku rajo weynahay in cayaar kasii fiican ay soo bandhigi doonaan kulamada xiga”ayay mar kale tiri Marwo Khadiijo maxamed Diiriye.

 

Tartanka dhalinyarada da’doodu ka yartahay 17-ka sano ee qaarada Afrika ayaa sanadka dambe lagu marti gelin doonaa dalka Rwanda waxaana ay wasiirada soomaaliya rajeysay in xulkeenu ay usoo baxaan tartankaasi.

 

Somali Football Media Department

 

+2521 600000 Tell Office

+2521 600601 Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment