Xulka U 17-ka Soomaaliya Oo kala jebiyay Xulka Kenya

Saturday April 10, 2010 - 13:26:47
0 Comments
3274
Shaafici Muxyidiin
Xulka qaranka kubadda cagta dalka Soomaaliyeed ee da`doodu ka hooseyso 17-jirada ayaa kala jebiyay dhigooda dalka Kenya cayaar ka mida is reeb reebka koobka U 17-ka qaaraa Afrika oo ka dhacayday dalka Jabuuti.


Ciyaartan oo ahayd  mid ad u adag ayaa labada xulba waxaa ay soo bandhigeen cayaar farsamadeedu sareyso, waxaana weerar iyo weerar celis kadb xulka Soomaaliya ay heleen goolkii ugu horeeyay horaantii qeybtii hore ee cayaarta, waxaana lagu kala nastay 1-0 oo ay Soomaaliya u hogaamineysay.

Goolkaas sida uu ku yimid hadaan ka yara sheekeyno xulka Soomaaliya  waxaa ay qeybtii hore ee cayaarta ka faa`ideysteen fursad  kubad si qurux badan ay isugu dhiibeen daqiiqadii 16-aad ciyaaryahanada Siidii iyo Maxamed Yare  waxaana loo hadiyeeyay weeraryahanka Jibriil Xasan Maxamed oo gool qurux badan dhigay shabaqa xulka Kenya.

xulka Somalia ayaa sii dardargeliyay weeraro uu ku qaaday goolka Kenya balse uma suragelin inay  gool dhaliyaan inkastoo fursado qaali ah ay iska lumiyeen intii ay socotay qeybtii hore ee cayaarta.

Qeybtii labaad markii ay labada xul isku soo laabteen ayaa waxay xulka Somalia muujiyeen ciyaar wanaag ku dheehan kubad isku dhiib qurux badan daqiiqadii  56` xulka Somalia kubad dadab ah oo uu soo qaaday ciyaaryahan Daahir  waxaa darbad xoogan shabaqa xulka Kenya la helay mar kale weeraryahan Jabriil Xasan Fariid.

Intaas ka dib xulka  ayaa wuxuu si wacan ula wareegay hogaanka ciyaarta  waxaa si weyn sacab ugu dhacay oo taageerayaasha  xulka Soomaaliya ku qeylinayeen heesta calanka iyagoo farxad iyo dhiirigelin  uga dhigayay xulkooda waxaa taasi xulka ka qaadeen in ay sii laba laabaan dadaalkooda ku aadan guusha ciyaartan waxayna mar kale ku dharbaaxeen xulka  Kenya goolkii saddexaad goolkaas oo ahaa mid Corner ah waxaa madaxa ku raaciyay ciyaaryahan Maxamed Xasan Cali [Shiine] oo ka dhigay 3-0 ciyaarta.

Gabagabdii ciyaarta ayaa gool caato ah oo laad xor ah (Free Kick) waxay u suragashay da`yarta xulka  Kenya  waxaana ciyaarta ku soo idlaatay 3-1 oo si weyn loogu saxariiriyay xulka Kenya .

Ciyaartan ayaa waxay qeyb ka tahay  isreebreebka koobka CAF U17 oo lagu qaban doono dalka Rwanda sanadka 2011, waxaana lugta  labaad  lagu wadaa in labadan xul Somalia iyo Kenya  ku ciyaaraan 24-ka bishan  magaalada Nairobi maadaama ciyaartu tahay [Home-Away]  xulka Somalia ayaa iminka waxaa Hoygooda [Home] u ah dalka Djibouti ee aanu walaalaha nahay.maadaama dalka Somalia aysan ka jirin nabadgelyo la isku halayn karo.

Guusha baaxadda leh ee ay xulka Somalia ka gaareen ciyaartan ayaa ah mid si weyn u farxadgelinaysa bahda isboortiga iyadoo la ogyahay in xulka kubadda cagta Somalia ku tababar qaadanayeen  in muddo ah meel aan ku habooneyn tababarka [Bacaadka-Scuola di Polizia] islamarkaasna ay u dhabar adeegeen sidii ay asaagooda caalamka wax ula qeybsan lahaayeen taasoo maanta dhaxalsiisay in ay guul soo hoyaan.


Somali Football Media Department

+2525 936226   Office

+2521 600000 office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment