Wasiirkii isboortiga Soomaaliya oo dhintay

Friday February 12, 2010 - 21:24:25
0 Comments
2639
Shaafici Muxyidiin
Dowladda federalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in uu maanta gellinkii dambe magaalada Riyaadh ee dalka sacuudiga ku geeriyooday wasiirkii dhalinyarada iyo isboortiga Suleymaan Colaad Rooble.


Wasiirka ayaa muddo laba bilood ah oo lasoo dhaafay waxaa uu aad ugu xanuunsanayay isbitaal ku yaala magaalada Riyaadh halkaas oo isaga iyo dhaawacyo kale la geeyay.

 

Waxaa uu wasiirku ka mid ahaa 52 ruux oo ku dhaawacantay qarax 3-dii December ee sanadkii tagay ka dhacay hotelka shaamow ee magaalada Muqdisho oo 25 kalana ay ku dhinteen.

 

Wasiirka dhintay walaalkiis oo lagu magacaabo Cabdulaahi Colaad Rooble oo la hadlay idaacada radio Muqdisho ayaa sheegay in wasiirka dhintay khamiistii lagu sameeyay qaliinkii ugu dambeeyay kadibna uu koma galay ilaa iyo intii uu ka dhintay maanta gellinkii dambe.

 

Alle ha u naxariisitee Suleymaan oo Muqdisho ku dhashay sanadku markuu ahaa 1963-kii ayaa waxaa uu ifka kaga tagay 2 xaas iyo 4 caruur ah oo kala ah 2 wiil iyo 2 gabdhood.

 

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Siciid mxamuud Nuur Mugaabe oo caawa saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu xiriirku aad uga naxay dhimashada wasiirka.

 

“Aniga oo ku hadlaya codka xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya waxaan tacsi u dirayaa xaasaska, caruurta iyo guud ahaan ehelada uu ka geeriyooday Suleymaan Colaad Rooble”ayuu saxaafada u sheegay guddoomiye siciid.

 

Wasiirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee isboorti oo lagu dilo dalka Soomaaliya tan iyo intii uu dalku rabshadaha iyo colaadaha sokeeya madaxa la galay ku dhawaad 20 sanadood ka hor.

 

 

Somali football Media department

 

+2525 936226 office

+2521 600601   Fax

Email:Somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment