Xulka Soomaaliya Oo Ka adkaaday dhigooda Jabuuti

Friday January 08, 2010 - 21:41:58
0 Comments
3054
Shaafici Muxyidiin
Djibouti: Xulka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo ka qeybgalaya isreebreebka koobka CHAN ayaa galabta garoonka Guleed ee magaalada Jabuuti kula yeehay ciyaar xiiso leh xulka dalka Jabuuti.


Ciyaartan oo aad u xiiso badnayd ayaa waxaa ay ahayd mid ku  bilaabatay dardar aad u xoog badan oo labada xulka ay kusoo bandhigeen ciyaar  farsamo ku dheehan  waxayna inta badan ciyaartu ahayd mid  weerar iyo weerar celis  oo labada kooxoodba ay muujinayeen dadaal ay gool ku helaan, Balse ciyaaryahanada xulka Soomaaliya ayaa ciyaarta qeybihii danbe la wareegay maamulka ciyaarta iyagoo soo bandhigay ciyaar xirfad ku dheehan oo ay weeraro is dabajoog ah ku qaadeen goolka dalka Jabuuti iyadoo fursado gool loo filan karay ay qasaariyeen ciyaaryahanada xulka Soomaaliya .

Daqiiqadii 78 ee ciyaarta xulka Soomaaliya  oo ka faa`deysanaya weerarada lixaadka leh oo ay ku qaadeen  goolka jabuuti  oo ciyaaryahanadooda daafac  galay waxaa  u suragashay in ay helaan Soomaaliya  gool aad u qurux badan oo ah si cajiib leh ay jaanta iskula heleen ciyaaryahanada Anwar, Xasan Babaay  iyo C/casiis Homey oo markaasi u hadiyeyay kubadda  ciyaaryahanka khadka dhexe  Cusmaan Yuusuf Cusmaan  [Aayarta]oo si xarago leh u dhaafiyey goolhayaha Jabuuti.

Ciyaarta inta ay socotay waxaa  ciyaarta laga saaray   mid ka mid ah ciyaaryahanada  Jabuuti  Maxamed Cabdi Cilmi {N0.13}  ka dib markii uu mutaystay kaarka cas (Red Card) .

Guud ahaan Ciyaarta ayaa  waqtigii loogu talagalay ku soo idlaatay 1-0 oo ah guusha kula hoyatay Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya .

Ciyaartan ayaa daawashada waxaa ka soo qeybagalay wasiirka isboortiga Jabuuti  Xasna Barkhada Daa`uud Sii hayaha  safaaradda Soomaaliya ee Jabuuti  C/raxmaan Maxamed Hiraabe, Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish], Xoghayaha  guud ee GOS C/laahi Tarabi  Guddoomiyaha XSKC Saciid Maxamed Nuur Mugaanbe, marti sharaf kala duwan iyo taageerayaasha kubadda cagta.

Inkastoo dad badan oo Soomaaliya ka scda aanay garoonkajoogin ayaa hadana taageerayasha Jabuuti ayhadba usacaba tumayeen labada dhian midii  ku dhawaata goosha dhanka kale taas oomuujineysa in shacabka reer jabuuti ay manta isugu mid ahaayeenxulalka Soomaaliya iyoJabuuti ee garoonka xasan Guuled ku tartamayay.

Somali Football Media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

+25250 969815 Cell

+2525 936226 Office

+2521 600601   Fax



Leave a comment