Tartanka kubada cagta Dugsiyada oo Muqdisho ka furmay

Sunday November 15, 2009 - 10:40:47
0 Comments
3903
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka kubadda cagta ee soomaaliya ayaa suurta-geliyey qabsoomida tartanka kubadda cagta ah kaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan qaar ka mida dugsiyada ka dhsian gobalka Banaadir, waxaana lagu maamuusayaa 21-November oo ah maalinta macalinka Soomaaliyeed.

Tartankan ayaa lagu waday in ay ka qeyb qaataan ilaa iyo 50 dugsi laakin sababo la xariira inta badan iskuuladii Muqdisho oo dagaalada ku xirmay ayaa waxaa suuragal noqonweysay in tiradii loo baahnaa la helo waxaana hada ka qeyb galaya 8 dugsi.

 

Xafladii furitaanka ee kulankii ugu horeeyey tartankaasi  ka bilowdey garoonka scolla policia oo ay ka soo qeyb galeen madaxda xiriirka kubadda cagta, madaxda Dalladaha waxbarasho ee gobolka banaadir.iyo masuuliyiin ka socotey shirkada isgaarsiinta ee nation-link , ayaa waxaa  ka hadley gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta saciid muganbe isaga oo sheegey muhiimadda uu leeyahay tartanka dugsiyada gobolka banaadir iyo xuska munaasabadda maalinta macalinka wuxuuna ciyaartoyda ka qeyb galeysa tartankaasi kula dar-daarmey in ay muujiyaan asluub wanaag iyo ciyaar ay farsamo ku dheehantahay.

 

 

Runtii waxaa lagama maarmaan ah in dugsiyada dalka soomaliya loo qabto tartamo kubadda cagta ah maadaama meesha ugu muhiimsan ee laga soo dhex xulo ciyaartoyda ay tahay dugsiyada , xiriirkuna muddo badan ayuu ku fekey arintaasi iyada oo maanta ay suura-gashey in ilaa 8 dugsi aynu ka soo xulno gobolka banaadir tartana u qabano ayuu hadalkiisa sii raaciyey gudoomiye siciid.

 

 

Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta siciid m.nuur (muganbe)ayaa waxaa uu ugu danbeyntii ciyaartoyda dugsiyada ee ka qeyb galeysa tartankaasi u balan qaadey in xiriirku soo xulan doono ciyaartoyda ay tababarayaasha u arkaan in ay meteli karaan qaranka  iyada oo lagu dari-doono xulka under 17 ee soomaliya.

 

Dugsiyada 8 ah ee ka qeyb galaya tartankaasi ayaa waxaa ka hor bilowgii tartankaasi  tababarayaashooda loo qabtey seminaar 2 maalmood socdey kaasi oo ay casharo ka bixinayeen qabiiro ay soo xuleen xiriirka kubadda cagta kana dhacay xarunta youth-link ee magaalad muqdisho.

 

kulankii ugu horeeyey ee furitaanka waxaa wada yeeshey Dugsiyada Hoyga xamar vs Al-mathell waxaana ay labada kooxood ay soo safeen ciyaartoy da'yar oo xirfado ciyaareed huwan taasi oo ay si weyn ugu riyaaqeen dhamaan daawada yaashii kulankaasi oo qaarkood sheegey in dugsiyadu ay ku jiraan xidigo mustaqbal ku leh kubadda cagta somalia.

 

kulankaasi ayaa waxaa uu ku soo idlaadey 1-0 oo ay guusha ku qadeen dugsiga Al-mathell dugsiyada kale ee ka qeyb galay tartanka waxaa ay kala yihiin.Macalin jaamac,Al-macmuur,Jaabir-bin hayaan,Abuu-xaniifa,Muqdisho iyo Macaarif.

 

Si-kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysey ee xiriirka kubadda cagta uu dugsiyada gobolka banaadir u qabto tartan weyn oo ay ka qeyb-galayaan ilaa 8 dugsi,waxaana mugdi ku jirin in dugsiyada laga heli karo ciyaartoy mustaqball leh oo daafaca  magaca qaranka soomaliya,iyadoo ay qeyb ka tahay dadaalka uu xiriirka kubadda cagta iminka ku doonayo inuu dib-boorka isaga jafo ka dib sanado badan oo aan la qaban tartamo gudaha ah xaaladda dalka awgeed.

 

Waxaana dhowaan xiriirku suura-geliyey in ilaa 30 macalimiin ka kala socdey muqdisho,gobolada dalka iyo caalamka ay fifa tababar mudo todobaad ah ku soo siisey dalka jabuuti,iyada oo dhowaana la filaayo in xiriirka uu qabto tartankii horyaalka heerka 2aad iyo kii gobolada dalka soomaliya wejigiisa labaad oo ka dhici doona gobolada hoos taga-maamul goboleedka putland.






 



By Cabdi Xafiid Zaciimka

 

+2521 551 7722  Cell

zaciimka02@hotmail.com

 

Somali Football Media Department

 

Email: Somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment