Tababarayaasha k/cagta Soomaaliya oo koorso caalami ah loo furay

Monday October 26, 2009 - 21:13:17
0 Comments
3177
Shaafici Muxyidiin
Ilaa iyo 30 macalin oo ka mida macalimiinta kubada cagta ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Jabuuti ee caasimada wadanka Jabuuti kaga furmay tababar heer caalami ah oo ay bixineyso hey’ada ugu sareysa kubada cagta aduunka ee FIFA.


Tababarkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka lagu horumarinayo kubada cagta Afrika ee loogu magac daray Win in Africa With Africa oo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka loogu deeqay, sida uu sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta cadbi Qani Saciid Carab.

 

Xafrlad si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagu maamuusayay furitaanka tababarkan ayaa waxaa maalintii axadii lagu qabtay hotelka Sheraton ee magaalada Jabuuti, halkaas oo ay khudbado ka jeediyeen masuuliyiinyta kubada cagta Soomaaliya, wasiiradda isboortiga jabuuti iyo madax ka socotay safaarada Soomaaliya ee dalka Jabuuti.

 

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe oo munaasabada ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyay guddoomiyaha FIFA Blatter oo uu sheegay in uu gacan weyn ka geystay sidii Soomaaliya ay barnaamijkan u heli lahayd,kaas oo haatan muhiimad weyn u leh dalkan dagaaladu jeex jeexeen.

 

Waxaa uu sheegay in taageerada joogtada ah ee Blatter iyo dhiiri gelintiisa la’aantood aanay Soomaaliya marnaba ku hamiseen guul ceynkan ah in ay gaarto.

 

Xoghayaha guud Cabdi Qani ayaa isna sheegay in muddo lix bilood ah ay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo FIFA ka shaqeynayeen sidii tababarkan meel mar loga dhigi lahaa, waxaana uu sheegay in guul weyn hada la gaaray maadaama tababarkii furmay.

 

 “Waxaan aad ugu mahad celineynaa dowaldda jabuuti iyo xiriirkeeda kubada cagta oo runtii dadaal weyn ku bixiyay sidii  Soomaaliya tababrkan loogu qaban lahaa”ayuu munaasabada furitaanka ka sheegay Cabdi Qani.

 

Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya macalimiin ka kala socota gobalada dalka Soomaaliya, naadiyada heerarka koobaad iyo labaad iyo macalimiin kale oo aad looga yaqaan dalka sanadahan dambena gacanta ku hayay dhalinyaro Soomaaliyeed oo dibadaha ku nool kuwaas oo ay ka mid yihiin Muqtaar Cutti iyo Bashiir jeenyo.

 

Wasiirada isboortiga dalka Jabuuti Xasno Barqad daa’uud oo munaasabada ka hadashay ayaa sheegtay in ay dowladeedu wax kasta oo karaankeeda ah la garab taagan tahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaana ay tiri “kusoo dhawaada jabuuti waa dalkiinii wixii aad doontaana ku qabsada”.

 

Waxaa ay amaantay hey’adeaha isboortiga Soomaaliya oo ay kubada cagtu ugu weyn tahay oo ay sheegtay in ay wax badan ka qeyb qaateen sidii nabad dalka looga dhalin lahaa iyadoo isboortiga loo marayo.

 

Dr. Gamal Ismail oo ka socda xafiiska horumarinta FIFA ee magaalada Qaahira ayaa goob joog ka ah seminaarka iyadoo uu macalina ka yahay khabiirka lagu magacaabo Ulric Mothiot,waxaana tababarkani  uu  soconayaa muddo todobaad ah.

 

Somali football Media Department

Email somalifootballmedia@gmail.com

+25250 969815   cell

+2525 936226   office



Leave a comment