Soomaliya oo ku dur durisay Zimbabwe

Monday October 19, 2009 - 21:32:18
0 Comments
2877
Shaafici Muxyidiin
Ciyaartoyda jaaliyadda soomalida ee dalka australia ee ka qeybgalaya tartanka kubadda cagta ee sanadlaha jaaliyadaha ku dhaqan dalka australia ee (Perth world cup soccer 2009) ayaa guul aad u weyn ka soo hooyey kulankii ugu horeeyey oo ay ciyaareen iyaga oo ka adkaadey dalka zimbabwe.


Ciyaartoyda soomaalida oo diyaargarow weyn u galey tartankan ayaa waxaa si aad ah ay ugu gacan sareeyeen kuwa ka soo horjeedey ee
zimbabwe oo marka loo eego xoog ahaan ka xoog weynaa kuweena soomaliya laakiin farsamo iyo qaab xirfadi ay ku dheehan tahay adeegsadeen xidigaheena soomaliya isla markaana soo bandhigeen ciyaar aad u qancisey taageerayaashii garoonka soo camirey.

 
markii ciyaartu ay socotey 9 daqiiqo kaliya ayaa ciyaaryahan xeeytoow oo weerarka ugu ciyaara jaaliyada soamalida waxa uu dhaliyey gool aad u qurux badan oo si weyn looga soo shaqeeyey, isla qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ciyaaryahan lagu magacaabo kaalow waxaa uu dhaliyey labo gool oo deg deg ah taasi oo miijineysa sida ay somaliya ugu gacan sareysey jaliyada zimbabwe oo markii danbe 2 gool la timid, waxaana ciyaarta ay ku soo dhamaatey 3-2 oo jaliyada somalia ku guuleysatey.
 
Ibraahim yare oo isna ka mid ah tababarayasha ciyaartoyda somalida ayaa waxaa uu xusey in guushan ay u soo hoyatey soomalida oo dhan meel kasta oo ay joogaan ee aysan kaligood laheyn waxaana uu xusey in taariikh ay ka sameyn doonaan tartankan ka socda wadanka
australia oo ay ka qeyb galayaan ilaa 20 koox oo ka socota jaaliyada caalamka.
 
Somaliya oo ku jirta guruubka D waxaa ay iminka leedahay 3 dhibcood iyada oo kulankii kale ee guruubkaasina ay ciyaareen wadamada
Chile iyo croatia waxaana kulankaasi 5-0 ku adkaadey wadanka chile.
 
Ex-Goolhaye Cabdul-Xakh maxed axmed oo ah madaxa iyo tababaraha ciyaartoyda jaaliyadda somalida ee tartankaasi ka qeybgalaysa ayaa waxaa uu sheegey in kulanka labaad ay la ciyaari doonaan sabtida soo socota jaaliyada wadanka
Croatia, waxaana uu rajeeyey in ay ka guuleysan doonaan.





 
Cabdul-Xafiid C/samad Zaciimka
+2521-5517722+25250990500
     zaciimka02@hotmail.com

 

 

Somali Football Media Department

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

+25250 969815 Cell

+2525 936226 Office

+2521 600601   Fax

 



Leave a comment