W/Isboortiga & xiriirka k/cagta oo kulmay

Monday August 03, 2009 - 20:43:13
0 Comments
3854
Shaafici Muxyidiin
Mauuiyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta waxaa xafiiskiisa ay kulan kula yeesheen wasiirka isboortiga iyo dhalinyarada ee dowladda federalka Soomaaliya Suleymaan Colaad Rooble, waxaana labada dhinac ay islasoo qadeen arrimo badan oo xasaasi ah oo la xariira dhaq dhaqaaqyada kubada cagta ee dalka Soomaaliya.


Masuuliyiinta xariirka ayaa wasiirka u gudbiyay warbixin faafaahsan oo ku aadan waxyaabihii u qabsoomay xiriirka intii uu jiray, dhameystirka cayaaraha gobalada qeybta ka hartay iyo qabashada horyaalada kooxaha heerarka koobaad iyo labaad

 

Intii uu socday kulankan oo ka dhacay xarunta wasarada isboortiga ee ku meel gaarka ah ayaa qodob aad u xasaasi ah oo labada dhinac ay ka hadleen waxaa uu ahaa dhismaha garoonka Stadium Banaadir iyo kaalinta dowladda kaga aadan sugida amaanka shaqaalaha caalamiga ah ee dhawaan dalka Imaan doona.

 

Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliya Siciid maxamuud Nuur Mugaabe ayaa u sheegay wasiirka in dhawaan dalka ay imaan doonaan injineero ka socda shrikadda dhismaha garoonka ka masuulka ah ee Green Filed si ay xaalada u qiimeeyaan kadibna garoonka loogu goglo cowska artifishaalka ah.

 

“Mudane wasiir waxaan dowladda ka rabnaa in ay gacan nagu siiso sidii uu xiriirku u fulinlahaa waxyaabaha yar yar ee dalka gudihiisa looga baahan yahay dhameystirka dhismaha garoonka sida amaanka adkeyntiisa”ayuu guddoomiyaha kubada cagtu u sheegay wasiirka.

 

“Dhawaan xoghayaha xiriirka cabdi Qani saciid Carab ayaa la kulmay maamulaha mashaariicda ee shirkadda Green Field waxaana ay si weyn isugu afgarteen in ka hor dhamaadka sanadkan lasoo gabagabeeyo dhismaha garoonka Stadium Banaadir”ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa sii daba dhigay intii uu kulanku socday.

 

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur waxaa uu kulanka ka sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ay ka go’antahay in uu sii xoojiyo wada shaqeynta uu la leeyahay wasaarada isboortiga qaranka.

 

Wasiirka isboortiga Soomaaliya Suleymaan Colaad Rooble ayaa ku amaanay xiriirka wax qabadka la taaban karo ee uu ku talaabsaday, waxaana uu sheegay in aanu waxba kala hari doonin intii karaankiisa ahna uu garab taagan yahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

Ugu dambeyntii waxaa uu wasiirku xiriirka kubada cagta ku wareejiyay buug ka hadlaya wax qabadka wasaarada isboortiga tan iyo intii uu xilka qabtay horaantii sanadkan, waxaana kulankii labada dhinac uu ksuoo idlaaday is afgarad wanaagsan.

  

Somali football Media Department

 

Email: somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525-0-969815 Cell

+2525 936226   office



Leave a comment