Pele (Mesi waa Ciyaarihanka ugu wanaagsan Caalmka)

Monday September 01, 2008 - 13:56:42
0 Comments
3201
Shaafici Muxyidiin
Khabiirkii hore ee K/cagta, laacibkii wadanka Brazil Pelel oo ku sugan wadanka China ee ay ka socdaan ciyaaraha Olombikada caalamka ayaa sheegay in laacibka da'da yar ee wadanka Argentina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi uu yahay ciyaaryahanka caalamka ugu fiican "best player in the world",

waxana Pele oo ka shaleynaya in usan weligiis ka qeyb qaadan ciyaaraha Olombikada uu yiri "Waxaan ka shaleynayaa in aana weligey ka qeyb qaadan ciyaaraha Olombikada, waayo waqtigii aan ciyaarayay looma ogoleyn in ciyaartooyda heerka caalamiga ah ay xulalkood kala qeyb qaataan Olombikada, laakiin haddii xulkeyga aan kala qeyb qaadan lahaa, waxaan u hubaa in aan ku guuleysan laheyn Dahabka".

"Waxaan hubaa in Lionel Messi uu yahay ciyaartooyga caalamka ugu fiican xilligan, waxaana runtii la yaab leh sida uu u soo ban dhigay xirfadiisa ciyaareed, ma jiro 21-jir sidiisa oo kale noqon kara Ciyaartooy caalami ah, waxaana iska cad inuu sameeyay dadaal xoogan oo muhiim u ah noloshiisa ciyaareed ee Barcelona iyo Argentina intaba" ayuu yiri Pele oo intaas ku sii daray "Ciyaartooyda yar yar ee sidiisa oo kale ah waxay u baahan yihiin dul qaad xoog leh, laakiin dhibtaada aan ku qabno ciyaartooyda Brazil ayaa ah in aysan dul qaad laheyn".

Pele ayaa sheegay in markii Kaka loo magacaabayay ciyaartooyga caalamka ugu wanaagsan uu dareemayay in sanadaha soo socod ay jiri doonaan ciyaartooyd South American ah oo kale ay soo bixi doonaa, wuxuuna taageerayaa in loo baahan yahay in ciyaartooyda reer America ay sameeyaan dul qaad, isagoo tusaale u soo qaatay Weeeraryahanka reer Brazil ee ee kooxda AC Milan Pato, oo uu ku sheegay inuu Messi la soo tartami karo sanadaha soo socda.

Pele ayaa sheegay inuu ka xun yahay in wadanka Brazil aysan weligood ku guuleysan dahabka Olombikada adduunka, waayo wuxuu sheegay in Brazil ay 5 jeer ku guuleysatay koobka adduunka, sanadka kasto oo la qabatana ay diyaar u aheyd ka qeyb qaadashadiisa, laakiin billada Brazil ka dhiman ay tahay tan ciyaaraha Olombikada.



Leave a comment